Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa marka hore sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay qarixii Zoobe ay dowladda isku soo dhiibeyn 54 ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale Wasiirku wax uu sheegay in hwolgallo kala duwan oo ay sameeyeen Ciidamada amniga ay sidoo kale Gacanta ku dhigeyn 63 ka tirsan Shabaab.
Sidoo kale waxa uu sheegay in habeen hore ay Ciidamada Amnigu ay qabteen Nin xirnaa Dharka Haweenka sida Xijaab iyo Indha-Shareer kaas oo doonayay in uu amniga qalqal geliyo sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaan ayaa Wasiir Ducaale waxa uu ka sheegay Munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka Xukuumadda oo lagu qabtay Hotel Sahal oo u dhow Garoonka Diyaardaha Aadan-Cadde ee M/Muqdisho.
Hoos Ka Dhgeyso Codka wasiirka Amniga Soomaaliya.