Warbixin Walaac leh oo ay QM iyo Hay’addaha Samafalka Caalamiga soo saareen ayaa lagu muujiyey in ku-dhawaad 76 million oo qof oo ku nool 45 Waddan ay u baahnaan doonaan Gargaar sannadka soo socda.
Dalalka sida aadka ah looga deyriyey dhinaca Ammaanka Cuntada ayaa kala ah Somalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.
Warbixinta waxaa si gaar ah loogu sheegay in ku-dhawaad 3.3 million oo Somali ah u baahnaan doonaan Kaalmo Degdeg oo Naf-badbaadin ah sannadka soo socda.
Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka ee Somalia, Peter de Clercq ayaa sheegay in Abaaraha iyo Colaadaha ka sii socda Somalia ka dhigtay mid ay dadka badankooda ku tiirsanaadaan Gargaarka Caalamiga.
Waxa uu ugu baaqay Kooxaha Gargaarka inay kordhiyaan dadaalka ay ku taageerayaan Qorshaha Samafalka ee lafu taageerayo dadka Soomaalida ee baahdia u qaba Gargaarka ee sannadka soo socda, waa sida uu hadalka u dhigay.