Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxa lagu soo bandhigay Ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Soomaaliya,kuwaasi oo loogu tala galay ka hortega Rabshadaha.
Munaasabadda lagu soo bandhigayay Ciidamadan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) iyo Saraakiisha Hay’adaha amniga dowladda.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidankan cusub lagu soo tababaray dalka Jabuuti,isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan Booliska Soomaliya.
Tallaabadaan Ciidanka loogu talagalay hortega Rabshadaha loogu soo bandhigay Muqdisho ayaa waxa ay ku aadeysaa,iyadoo maalmihii la soo dhaafay Baraha bulshada aad loogu hadal haayay in Magaalada Muqdisho uu ka dhacayo Banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka,kaasi oo la iclaamiyay in la qaban doono 18-ka Bishan kuna beegan maalinta berri oo Khamiis ah.
Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir.