Akhriso:-Yuusuf Garaad iyo Thabit Cabdi oo Baaq Wadajir ah kasoo saaray Xaaladda Muqdisho

Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa baaq wadajir ka soo saaray Xaaladda amniga Magaalada Muqdisho.

Qoraalkooda Wadajirka ah ayey si toos ah ugu jeediyeen bajaajleyaasha Magaalada Muqdisho oo tacadiyo kala kulma Ciidanka dowladda,isla markaana ku dhawaad 50 kamid ay yihiin Booliska,wuxuuna baaqaan kusoo beegmay iyadoo la sheegay in la qaban-qaabinayo banaanbaxyo ka dhaca Maalinta berri Magaalada Muqdisho.

B A A Q    F U R A

Annaga oo ka warqabna culeysyada kala duwan ee saaran dhallinyarada, gaar ahaanna wadayaasha bajaajka, BL-ka iyo tagaasida Muqdisho, ayaan haddana idiin qireynaa in aad ku dadaasheen kuna guuleysateen in aad shaqo abuurataan.  Waxa aad gacan weyn ka geysataan isu socodka dadweynaha magaalada idinka oo ugu adeegaya qiimo jaban.

Waxaan wadajir idiinkugu baraarujinaynaa muhiimadda nabadda iyo xasilloonida oo la’aanteed aan shaqadiinnu socon karin.  Sida aad ogtihiin, Amni-darro iyo xasillooni la’aani waxay sababi karaan dhibaatooyin shaqo la’aan aad uga culus.

Sidaa darteed waxaan idinku boorrineynaa in adinka oo dantiinna ilaashanaya, u turaya shacabka Soomaaliyeed oo waalid iyo walaal ah, kuna kabaya Dowladnimada Soomaaliya aad ka fogaataan wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasilloonida oo ah danteenna guud.

Cabashooyinka aad qabtaan, oo waliba qaarkood aan ka garaabeyno, waxay tahay in aad xalkooda u martaan dariiq nabadgelyo. Haddii aad sidaas ku sifowdaan waxaan ku kalsoon nahay in ay dad badani idinku taageri doonaan halgankiinna xuquuq u doodka ah.

Dowladda waxaan u soo jeedineynaa saddex qodob oo kala ah in xaaladda aan looga darin, la qaboojiyo rabshadaha hadda taagan iyo in xal waara loo helo oo tan oo kale aanay dib u soo noqon.

Si aan xaaladdu uga sii darin waxaa nala habboon in laga dhowrsado erayada uga dari kara xaaladda. Si gaar ah waxaan u soo jeedineynaa in laga gaabsado eedeymaha aan loo heyn caddeyn buuxda iyo wax kasta oo shaki iyo kala qeybin u horseedi kara bulshada magaalada, maaddaama ay tahay in ay Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee magaaladu ay wadajir u wajahaan mushkiladda.

Si karka magaalada hoos loogu dhigo waxaan Mas’uuliyiinta Dowladda ugu baaqeynaa in dhallinyarada loo turo, lana fahmo in ay cadaadis iyo xad gudub dhab ah ka cabanayaan.  Waxaan soo jeedineynaa in dhallinyarada la xiray oo dhan la sii daayo.  Iyo in la baaro dilalka dhacay ciddii dembi geysatayna Maxkamad la soo taago.

Ugu dambeyn waxaan soo jeedineynaa in la qaado tallaaboyin lagu xaqiijinayo in dilka iyo xadgudubyada ka dhanka ah dhallinyaradu aanay dib u soo laaban.

Tallaabooyinka taas lama huraanka u ah waxaa ka mid ah in booliiska iyaga oo hubeysan shacabka lagu sii dhex deynayo la hubiyo in dhammaantood ay qaateen tababbar booliis.  Dabcan waxaa tababbarkaas qayb ka ah sida ay shacabka saaxiib ula noqon lahaayeen, taas oo howshooda u fududeyneysa, sharafna ay uga mudanayaan walaalahood.  Askarigii ama sarkaalkii aan tababbarkaas qabin inta uu qaadanayo tababbarka waa in uu ka shaqeeyaa xafiisyada, bakhaarrada, gaadiidka, xeryaha iyo shaqooyin kale oo booliis laakiin aan la soo horjoojin bulshada.

Waxaa kale oo muhiim ah in dhallinyarada iyo dadweynaha magaalada oo dhan wakiilladooda ay Booliiska iyo Dowladduba la yeeshaan gacansaar, si joogta ahna loo xalliyo cabasho kasta, ka hor inta aanay isu rogin qalalaase.  Ama ugu yaraan in la iska qanciyo cabashada.

Ugu dambeyn, waxaan soo jeedineynaa in wadashaqeyn dhow lala yeesho Hoggaamiyayaasha Dhaqanku iyaga oo wadajira, isla markaasna ay iyaguna wadajir u wajahaya wixii dhibaato soo ifbaxa.

Waxaan u rajeyneynaa booliiska iyo dhallinyaradu in ay gacmaha is qabsadaan, ogaadaan in aayahooda iyo aayaha Soomaaliya ay ku xiran yihiin dhallinyarada oo isku kalsoonaata, cududda iyo maskaxdooda mideeysa, una jiheysa horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Guuleysta

Yusuf-Garaad Cumar iyo Thabit Cabdi Maxamed

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media