War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho aya waxaa uu sheegayaa in Weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu Caawa Maqribkii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Weerar ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ee Degmada Wadajir,isla markaana loo geystay dad isku Qoys ahaa oo kamid ah dadka deegaanka degmadaasi xili ay hor fadhiyeen Guri.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in weerarkaas ay ku geeriyoodeen 5 ruux,halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen,iydaoo ay weerarka fuliyeen Kooxo ku hubeysnaa qoray Ak-47.
Ragii ka dambeeyay falkaas Caawa ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ayaa waxaa la sheegay in ay ku baxsadeen gaari nooca raaxada ah oo wateen.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan weerarkii Caawa halkaas ka dhacay.