Wasiirka Wasaarada Hubka dhigsita iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka koonfur Galbeed Somaaliya ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ay xiligaan wixii ka dambeeyay ay ka go’an tahay dagaal ay la galaan Xarakada Al-Shabaab.
Xasan Maxamed Cabdi ayaa hadalkiisa intaas ku daray in tuuloyin badan oo hoostaga deegaanka gof-Gaduud uu howlgalka ka bilaaban doono maadaama ay muhiim u tahay amanka Guud ee Magaalada Baydhabo oo ay ku taallo Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed.
Waxa uu sidoo kale shegay in howlgalkas ay siwadajir ah u qaadi doonan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya oo kaashana kuwa Amisom ee ku sugan Magaalada Baydhabo si looga guueesto Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Dhowr ayaa sidaan oo kale Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya waxa uu sheegay in ay bilaabi doonan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab walow hadalkaas uusan suurtagelin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka