Daawo:Ra’iisal Wasaare Kheyre: “Raadinta Xuquuqda G/Banaadir waa in looga danbeeyaa Guddoomiyaha Gobolka..”

Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya ayaa sheegay in dowladda hada ka jirta dalka maalinba maalinta ka dambeysa ay tahay mid qaadeysa talaabooyin kala duwan taasoo ah dhanka amniga ka hortaga qaraxyada iyo doorka Wanagsan ee dowladnimada.

Sidoo kale Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Shacabka in Bulsahda ku nool Gobolka Banaadir ay yihiin Astaantii ay fiirsanayeen Shacabka Somaaliyeed islamarkaana aadan iloobinina kaalinta aad uga jirtiin dalka Somaaliya.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir uu jiro wax ka yar 60 Maalmood loona baahan yahay in fursad la siiyo.

Gaba gabadii ayaa waxa waxa uu ka codsaday Bulshada ku nool Gobolka Banaadir in ay ka dambeeyaan gudoomiyahooda si uu u raadiyo xaqa Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaraha Somaaliya Xasan Cali kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabad lagu soo dhaweeynayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo shalay lagu qabtay Hotelka Hotelka City Plaza.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media