(SAWIRO): Taageerayaal Laacibka Maxamed Saalax ku sharfay Toorto 100 Kiilogaram ah !!!

Laacibka Mxaamed Salaax oo malaha Munaasabadda 26-guuradiisa ku illaabay guuldarrdda Xulka Masar jimcihii kala kulmeen Xulka dalka Uruguay ayaa waxa uu farxad ka qaaday markii ay Taageerayaasha Jejniya ee qeybta ka ah Federalka Raashiya u keeneen Daolsho ama Toorto Weyn oo uu culayskeedu dhamaa 100 Kiilogaram ah, laguna soo dul xardhay Kabo Dahabi ah.

Maxamed Salaax waa uu dhoola-caddeeyey, waxayna Kooxdiisa oo ku ku luqeeyey Dhalasho Farxad leh soo abaareen qolkiisa,  ka hor intaysan shunmac shidin.

Xulka K/cagta Masar waxay maalinta Talaadada la Xulka Raashiya kula ciyaari doonaan Garoonka St Petersburg, iyadoo ciyaarta ku xigtana is-arki doonaan Xulka Sacuudiga.

Maxamed Salaax oo Xilli-ciyaareedkii hore Kooxda Liverpool FC u dhaliyey 44 gool waxa uu ka soo kabanayaa dhaawac dhinaca Garabka oo ka soo gaaray Ciyaartii Finaalka ee Horyaalka Europe oo ay Kooxdiisa bishii May 26-dii la yeesheen Kooxda Real Madrid.

WQ: Ustaad Nuradin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media