Dhageyso:-Ammaanka Baydhabo oo aad loo adkeeyay iyo masuuliyiin ku sii qul quleysa

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ku sii qul qulaya Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyada halkaas oo la filayo in ay ka dhacdo Munaasabad Xuska Sanadguuradii Saddexaad ee MAMAULKAS.

Masuuliyiinta Maanta gartay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyah dhanka Amniga ee Magaalada Baydhabo Aadan Cali Aadan (Aadan Carab) oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Baydhabo aad loo adkeeyay.

Sidoo kale waxa uu shegay in marka laga reebo Madaxweyne Waare madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada ay cudur daar baxsadeen.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media