Dhageysiga Dacwada Saxafiyiinta Idaacadda Shabeelle oo Markii Afaraad Dib Loo Dhigay

Maxkamadda Gobolka Banadir ayaa Maanta markii Afaraad waxa ay dib u dhigtay dhageysiga Dawcadda loo heysto Saxafiyiin u shaqeynayay Idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM ee Magaaladda Muqdisho.

Qareenadda u doodayay Saxafiyiinta Idacaada Shabeelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ineysan ku qancin Go’aanka mar kale dib loogu dhigay dhageysiga Eedeymaha Saxafiyiinta kala ah Maxamed Bashiir Xaashi,Maxamuud Maxamed Daahir(Carab) iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan.

Sido kale Milkiilaha Idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM C/Maalik Yuusuf Maxamuud ayaa kamid ah Saxafiyiinta loo hesyto Dacwadda.

saxafiyiinta ayaa xiran muddo dheer waxana weli hawada ka maqan Idaacadaha SKY FM iyo Shabeelle

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor