(DHAGEEYSO):- Dad Cudurka Shubanka ugu Geeriyooday Degmada Buurhakaba.

Inta La ogyahay Afar ruux ayaa Cudurka shubanka ugu Geeriyootay Degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay waxaana hada la’il daran Afartameeya kale oo uu soo ritay Cudurka shubanka kaasi oo dhibaato ku hayaa dadka ku nool degmadaas iyo Deegaanada hoosyimaada.

Degmada Buurhakaba oo kamid ah Degmooyinka ugu Tuulooyinka badan  gobolka baay waxaan inta badan kunool Dad kasoo barakacay deegaanada ku dhow Buurhakaba si ay halkaasi uga helaan nolol dhaanta tii ay horey ugu Noolaayeen.

Dr Ciise Maxamed oo kamid ah Dhaqaatiirta Caafimaad ee Buurhakaba aya kawarbixiyey xaalada caafimaad Dadka uu soo ritay Cudurka Shubanbiyoodka kuwa udhintay iyo hada kuwa la’il daran ee ubaahan Baxnaano Caafimmad waxaana uu sheegay in Dhibaato caafimaad ay  kajirto Degmada.

Gobolka Baay Mudooyinkii ugu Danbeeyey waxaa ka jiray xaalado Caafimaad oo ay Dad badan ugu Geeriyoodeen Cudurka Shubanka oo ka Dilaacay meelo kala duwan oo kamid ah Gobolka.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Warxbinta Wariyaha Dalsan  Ma’daa.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media