Saraakiisha Garoonka Diyaaradaha Qaahira ayaa sheegay in 33 rakaab oo ka soo kala jeeda dalalka Yemen, Syria iyo Iraq raaceen Duullimaadyo ka soo kala jeeda dalka Maraykanka.
Rakaabkaasi ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin Garoonka Diyaaradaha ee John F. Kenedy ee magaalladda New York, waxayna Transit ahaan ugu sii hakan doonaan magaallooyinka Istanbul, Frankfurt iyo Paruis
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii Maxkamad ku taalla Maraykanka mar kale ku gacan sayrtay Rafcaan ay Aqalka Cad ka qaateen go’aankii uu Garsooraha Federalka ku laalay Amarkii Madaxweyne Donald Trump.
©Radio Dalsan