Qaraxaasi ayaa ka dhacay Boosteejada lagaa raaco Gawaarida aada degaanka Toora Toorow ee gobolka Shabeelha Hoose waxaana lala eegtay Ciidamada amaanka ee magaalada Afgooye oo halkaasi kulaaha fariisin Ciiddan.
Qaraxa waxa uu ahaa Bamka Gacanta laga tuuro oo lagu Weeraray Ciidamada waxana lasoo shegayaa inay jirto wax yeelo Blasé lamaogaan Wali qasaaraha inta uu la’egyahay waxaana halkaasi Durbadii ay noqotay meel lagu kala cararay si uu qofkasta uga fogaado waxyeelo kasoo Gaarta Rasaasta ay furayaan Ciiddamada.
Ciiddamada maamulka Degmada afgooye ayaa howlgal Balaaran kawada magaaladaasi waxaana ay Baadi goobayaan cidda ka danbeysay falkaasi lagu Weeraray Xarun ay Leeyihiin Ciidamada Degmada ilaa Hadana majirto faah faahin ay bixiyeen Saraakiisha Ciidamada ee Afgooye oo kusaabsan Qaraxa iyo Baritaanka Ciidamada.
Magaalada Afgooye maalmihii aanu soo dhaafnay xaalada amaan waxaa ay aheyd mdi kacsan waxaana halkaasi ka dhacayey falal amaan dari iyadoo dhoor jeerna ay soo Weeraareen Al-shabaab oo Qabsaday meelo kamid ah Degmada balse marki danbe isaga baxay.