(DHAGEEYO):- Madaafiic Caawa ku Dhacday qeyba kamid ah Muqdisho.

Waxaa goordhow tiro Madaafiic ah ay kusoo dheceen xaafado kamid ah magaalada muqdisho oo aan la’ogaan wali qasaaraha rasmiga ah iyo waxyeelada ay geesteen waxaana lasoo sheegayaa in tiro hoobiyeyaal ah ay ku dheceen Degmooyinka, Xamar jajab, Xamar weyne Warta-nabadda Waaberi iyo wadajir ee Magaalada muqdisho.

Goojooge ku sugan Xaafad ku dhow Garoonka diyaaradaha ee adaan Cadde ayaa radio Dalsan uga waramay Madfac ku dhacay xafad ay daganayeen oo ku taala nawaaxiga garoonka muqdisho waxaana uu sheegay goobjoogahan inay Maqlayeen Daryanka madaficda kale oo ku dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

Ilaa iyo hada majiro qasaare dhimasho iyo dhaawac oo laga soo wariyey madaafiicdaasi ku dhacday qeyba kamid ah magaalada waxaana cabsi iyo wal ay soo wajahday dadka kunool muqdisho oo baqdin ka muujinaya waxa ay Maqleen .

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Goobjooge Dalsan Uwaramay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media