Waxaa Muqdisho caawa ku geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cabdullaahi Sahal Ibraahim Gardhuub.
Gudoomiyaha ayaa ku xaanuunsanaa waayadan danbe magaalada muqdisho isagoo caawa ku geeriyooday mid kamid ah isbitaalada Muqdisho oo lagu daaweynayey maalmahan Danbe.
Madaxda gobolka banaadir ayaa ka Tacsiyeeyey Geerida ku timid Cabdullahi Sahal Gardhuub oo in muda ah soo ahaa Guddoomiyihii Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.