Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay Weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo xalay ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kadib markii dabley hubeysan ay weerareen hoolka bandhig faneedka Moscow.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin weerarkii xalay ka dhacay Ruushka, isla markaana ay dowladda cambaareyneyso.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa tacsi u diray dadka ku wax yeeloobay weerarkii dableyda hubeysan ka geysteen hoolka bandhig faneedka Moscow iyo qoysaskooda iyo guud ahaan dadka uu saameeyay falkaasi.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si adag u cambaaraynayaa weerarkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay hoolka xafladaha ee Moscow. Madaxweynuhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadka ku wax yeeloobay iyo qoysaskooda iyo guud ahaan dadka uu saameeyay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda Soomaaliya.
Ugu yaraan lixdan qof ayaa lagu dilay weerarka, halka in ka badan boqol qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Ruushka. Ugu yaraan afar weeraryahan oo ku labisan qalabka wajiga lagu duubto ayaa ka qayb qaatay weerarka, oo ka dhacay xaafadda waqooyi-galbeed ee Krasnogorsk.
Masraxa hoolka Crocus ee magaalada waxaa ka socotay riwaayad markii dableyda ay gudaha u galeen hoolka. Inta badan dhismaha ayaa waxaa qabsaday dab, waxaana soo dumay qeyb ka mid ah dhismaha.