DFS oo sheegtay in shaqaalaha rayidka ay waajib ku tahay ka qeyb-galka barnaamijka isxilqaan

Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Waraa ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha rayidka dowladda ay waajib ku tahay ka qeyb-galka barnaamijka isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.

Wasiirku waxaa kale uu sheegay in shaqaalaha dowladda lagula xisaabtamayo kaltanka ay uga qoranyihiin jadwalka maalinla ah oo ay uga qeyb-qaadanayaan shaqada dowladda isla markaana ay dowladda ka g’antahay in dhammaan xarumaha dadweynaha loogu adeego dib loogu dhisi doono isxilqaan.

“Waa waajib in dhamaan shaqaalaha rayidka ee dowladda ay sidii loogu talagalay uga qeyb-qaataan barnaamijka isxilqaan ee lagu dhisayo goobaha danta guud isa markaana ay tahay arragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo.ayuu yiri sii hayaha wasiirka shaqada Sadiiq Xirsi warfaa.

Hadalkaa sii hayaha wasiirka shaqada ayaa ka dambeeyay kaddib markii uu maanta daah furay wajiga labaad wareega 15 –Aad  ee barnaamijka isxilqaan waxaana uu sidoo kale sheegay in dhawaan la dhagax dhigo doono gooba kale oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii shaqaalaha wasaaradda boostada isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda xukumadda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale shaqaalle ka tirsan gobolka Banaadir ayaa lagu daah-furay maanta wajiga labaad ee barnaamijka isxilqaan waxaana ay shaqeeyeen Maktabadda Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media