Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa kiis Ciqaabeed waxaa ay kusoo gababeeysay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Dhageysiga dacwadda ayaa lagu soo gababeeyay Bannaanka Magaalada Balad-xaawo, gaar ahaan meel u dhaw saldhigga Ciidamada Booliska Magaladaasi, iyadoo ay goob joog ka ahayeen Saraakiisha Ciidanka Balad-xaawo iyo saraakiil ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda.
Eedeysanayaasha dacwaddooda loo fariistay ayaa lagu soo eedeayay in ay weerear ku qaadeen barkoontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska Baladxaawo, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku dileen Saciid Cali Mursal, iyadoo uu ku dhaawacmay Maxamed Cabdi Aadan, waxaana labaduba ay ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska Baladxaawo.
Tirada eedeysanayaasha ayaa gaareysa shan eedeysane, waxaana lagu kala magacaabaa, Cabdi Cumar Cabdi, Haaaruun Cabdiraxmaan Xuseen, Maxamed Xasan Aadan, C/qaadir Miidey Cabdulle iyo Ibraahim Faarax Maxamuud, waxaana dhammaantood lagu soo eedeyay in ay dil gaysteen.
Gen. Cabdullaahi Buule Kameey Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in ay haayaan caddeymo ku filan, kuwaas oo muujinaya in shanta eedeysane ay dilka iyo dhaawac gaysteen, waxaana uu maxkadda ka dalbaday in dambiga ay galeen lagu qaado Ciiqaabtiisa.
Ugu dambey Gaashanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxamadda waxaana uu sheegay in ay maxkamaddu go’aan kasoo saari doonto kiiska loo haysto eedeysanayaasha.