Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay god ku dumay dad shacab ah

Wararka aan ka halyno  Gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Milxo ee degmada Laasqoray ayaa sheegay in ay ku dhinten dad shacab, kaddib markii uu ku dumay god ay ka qodayeen dahab.

Wararku waxaa ay sheegayeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay god la sheegay in uu ku damay dadkaas xili ay dahab ka qodayeen Buuraha Laasqoray ee Gobolka Sanaaag.

Waxaa la xaqiijyay in ay laba ruux ku dhinteen labo kalena ay dhaawacmeen, waxaana la sheegay in dadka dhaawacmay loola cararay goobaha caaafimadka Sanaag.

Gobolka Sanaag ayaa waxaa ku yaalla Goobo la sheegay in dahabka laga qodo, waxaana dadka degaanadaasi ay si joogta ah dahabka uga qodaan degaanka Degmada Laas-qoray oo ay dad badani ku tiirsan yihiin waxyaabaha ay kasoo saran buurahaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media