Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa Maanta oo Arbaco waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shirkii wadatashiga Puntland, kaasi oo socday muddo saddex maalmood ah.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsn dowladda Federaalka Soomaaliya, Culimo, Odayaal iyo xubno kala duwan oo ka socday deegaanada Puntland.
Shirka ayaa inta uu socday waxaa laga waxaa looga hadlay Aayaha Puntland iyo Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland iyo arrimo kale oo badan, waxaana Shirka laga soo War-murtiyeed aad u dheer.
War-Murtiyeedka laga soo saaray Shirkii Wadatashiga Puntland ayaa waxaa ku jiray in Puntland aysan aqbalayn sharciga doorashooyinka ee uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo Cod ah.
Sidoo kale War-Murtiyeedka Shirka ayaa waxaa ku jiray in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu Shir deg deg ah ugu baaqay inay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka isugu yimaadan, kaasi oo looga hadli doono qaabkii lagu guda geli lahaa Doorashada 2020/2021.
Hoos ka Akhriso War-Murtiyeedka kasoo baxay Shirka.