DFS iyo FINLAND oo ka wada hadlay dib u billaabidda Wadahadallada Somaliland

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND, MR Jukka Pajrarinen, iyo Safaaradda FINLAND ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib u billaabidda Wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, Cabdikariin Guuleed ayaa Warbixino siiyay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND.

Ergayga ayaa uga mahadceliyay  Agaasimaha iyo Safaaradda doorka dowladda FINLAND ay ka qaadatay Dowladd dhiska Soomaaliya, Waxaana uu warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wadahadallada Somaliland, iyo in Dowladda DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Somaliland.

Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa u muujiyay Ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyee, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor