Guddoomiye Madaale oo QM kala hadlay Amniga Muqdisho iyo Barakacayaasha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.

Duqa Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha Amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida Amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska QM u boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida Amniga Muqdisho.

Sidoo kale kulankan ayaa loogu hadlay xal u helida Arrimaha barakacayaasha maadaama Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid Gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka Abaareed.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw Maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeyn doonnaan Arrimaha Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska, iyagoo soo dhaweeyay Qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso 1$.

Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in isku tashiga bulsho uu yahay mid wax weyn ka badali kara ku tiirsanaashiyaha gacmo kale, waxa ayna maanta ka qeyb qaadatay Barnaamijka dalkaaga ku dhiso 1$, iyadoona balan qaaday in ay xoojin doonto wada-shaqeynta Xafiisyada QM iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor