Degmada dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa Caawa ku guuleysatay Koobka kubadda Cagta ee tartanka degmooyinka ee Gobolka Banaadir, kadib markii ay ka adkaatay Degmada Waaberi.
Ciyaaryahanada u ciyaarayay Degmooyinka Waaberi iyo Dharkeenley ayaa Caawa ciyaar qurux badan kusoo bandhigay Garoonka kubadda Cagta ee Injineer Yariisow.
Sidoo kale Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay daqiiqadihii loogu talagay barbar dhinac 0-0 oo labada kooxood ay isku mari waayeen.
Hayeeshee waxaa la isla aaday Rigoorooyin, waxaana 2-3 Rigoorayal ku badisay Degmada dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Boqolaal ruux oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa u soo daawasho tegay Ciyaarta Final-ka ee Caawa ka dhaceysay Garoonka Injineer Yariisow.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish, Wasiirka Wasaaradda Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ee iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa Goobjoog ka ahaa guusha ay gaartay Degmada Dharkeenley.