Kulan ballaaran oo lagu taageerayo inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar kale isku soo taago Xilkaasi ayaa waxa UU haatan ka socdaa Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.
In ka badan 1,500 oo qof oo isugu jirta Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Duubabka Dhaqanka, Dhallinyaro iyo Ururadda Bulshada ee Beelaha Mudulood iyo xubno ka tirsan Xisbiga PDP ayaana ka qeyb galayso Kulankaasi.
Mas’uuliyiinta Heerka Qaran ee ka qeyb galayo Kulankaas Taageeradda waxaa ka mid ah Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia, Md. Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde”, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xildhibaan Prof. Cusmaan Xaaji Maxamuud “Dufle” iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federalka.
Kulankaasi oo ay soo qabanqaabiyey Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood ayaa waxaa lagu taageeray Musharaxnimadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankaasi weli waxa uu ka socdaa Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho, sida ay ku soo waramayaan Weriyayaasha Radio Dalsan ee ku sugan Madasha uu ka socdo Kulanka lagu taageerayo Musharaxnimadda Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.
©Radio Dalsan