Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo ay hareereeyeen Hotel ay ku shirayeen.
Ciidamada Nabadsugidda Galmudug ayaa la soo weriyay inay weerar ku qaadeen iskuna gadaameen Hotelka Central ee magaalada Cadaado xilli ay halkaasi ku sugnaayeen xildhibaanadii dhowaan xilka ka qaaday madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.
Xildhibaano kale ayaa loo diiday inay galaan hotelka, waxaana hotelka magaalada laga joojiyay in shirar siyaasadeed lagu qabto iyadoo la fulinayo xaaladda degdega ah ee uu soo rogay madaxweynaha Galmudug.
Xaaladda magaalada ayaa kacsan iyadoo xildhibaanada qaarkood ay isku dayeen inay ka baxsadaan garoonka, waxaana weli taagan xaaladda kacsan.
FAAHFAAHINTA LA SOCO.
@Radio Dalsan