Ciiddamo ka tirsan Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM ayaa waxay Waaberigii hore ee saakayto Hawlgal ballaaran ka bilaabeen qeybo ka mid ah Degmooyinka H/Wadaag, Hodan iyo Dayniile.
Boqolaal Askari ayaana ka qeyb galayo Hawlgalkaasi oo lagu baarayo Guryaha iyo Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Deegaanadaasi.
Suuqa Bakaaraha ayey Ciiddanka go’doomiyeen, waxaana la mamnuucay inay Ganacstadda gudaha u galaan qeybaha Suuqa Bakaaraha.
Ganacsiga Suuqa ayaana hakad galay, iyadoo ay Ganacsatadda xoonsan yihiin daafaha Suuqa, mana jiraan goobo Ganacsi oo Furan, waxaana la xakameeyey isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Ciiddamo fara badan iyo Gaadiid Dagaal ayaana lagu arkayaa Isgoysyadda Bakaaraha, H/wadaag, Baar Ubax iyo Wershaddii Caanaha.
Ma cadda ujeedada ka dambeysay Hawlgalka ballaaran ee ay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan goobahaasi, iyadoo Hawlgalkaasi yahay kii ugu ballarnaa ee Waaydan dambe laga sameeyo gudaha iyo daafaha Suuqa Bakaaraha.
©Radio Dalsan