Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku bahoobay Urur-gobaleedka IGAD ayaa soo gebagebeeyey Shirweynihii uga socday magaalladda Muqdisho.
Shirkaasi waxaa lagu lafa-guray Arrimaha dalka South Sudan, Ammaanka iyo Doorashadda ka dhici doonta Somalia.
Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Kenya, Uganda, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia iyo Wakiilo matalayey Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Sudan ayaa ka qeyb galay Shirkaasi oo ay markii ugu horreysay lagu qabto Caasimadda Somalia ee Mogadishu.
Kulan Madaxeedka waxaa laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 22 qoddob oo ay ugu muhiimsan yihiin:
- Taageerida Midnimadda iyo Xorriyadda Siyaasadda iyo Madax bannaanida dalka Somalia.
- Bogaadin loo jeediyey Dadaalka Dowladda Federalka ugu jirto Qabsoomida Doorashadda ee Xilliga Kala-guurka Siyaadda.
- Dowladaha IGAD waxay kaloo soo dhaweeyey Shirkii Madasha Qaranka ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey Muqdisho.
- IGAD waxay soo dhaweeyeen Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, waxayna ku baaqeen Dhamaystirka Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.
- Hawlkgalka AMISOM oo lagu booriyey inay door muhiim ka qaataan Sugidda Ammaanka ee Xilliga ay Doorashooyinka ka dhacayaan Somalia.
F.G: La Soco Faafaahinta Dhamaystiran ee War Murtiyeedka ay Madaxda IGAD ka soo saareen Shirkii ay ku yeesheen magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan