DEGDEG: Murashax Madaxweyne Cumar C/rashiid oo tanaasulay

Murashax Madaxweyne Cumar C/rashiid ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Tanaasulay.

Hadal kooban oo ka jeediyey Hoolka Doorashadda ayuu ku shaaciyey inuu tanaasulay, mana kala cadda cidda uu tanaasulay, waxaase laga yaabaa inuu u tanaasulay Farmaajo.

Waana Murashixii 2-aad ee maanta ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Doorashadda Madaxweynaha.

Murashax Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ku dhawaaqay Tanaasulid, wax yar ka hor inta aan la guda-gelin Wareegga 1-aad ee Doorashadda.

Haatan waxaa Wareegga 2-aad isugu soo haxay Xasan Sheekh, Shariif Sheekh iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa la hadal-hayaa in laga yaabo inuu isbedel ku yimaado Xildhibaanadda maanta codeynayo. .

La soco Natiijadda Wareegga 2-aad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media