Duhurnimaddii maanta ayaa waxaa dib loo helay Adeegii Internet-ka, kaasi oo gebbi ahaan Muqdisho ka go’naa tan iyo Fiidnimadii xalay.
Xaallad jahwareer ayaana gelinkii hore ee saakayto laga dareemay maqnaanshaha Internet-ka, wuxuuna saamayn ku yeeshay Hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga ahayn, Warbaahinadda, Shirkadaha Ganacsiga, Xawaaladaha, Diyaaradaha iyo gebbi ahaan macaamiisha kale ee Internet-ka.
Xarumaha Inter café-yadda ee Muqdisho ayaa saakayto haawanayey, marka laga reebo kuwo fara-ku-tiris ah oo ku yaalla Degmadda Xamar-weyne.
Shirkadaha bixiya Internet-ka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in hawl ballaarin ah lagu hayey Khadka Internetka ee Fibre Optic ee soo dhex mara Badweynta Hindiya.
Si kastaba ha ahaatee, Dadka Reer Muqdisho oo keliya ma saamaynin Adeegga Internet-ka ee saakayto la la’aa, waxaana jirta in inta badan Goballadda Koonfurta Somalia ka jirtay baahida dhinaca Adeegga Internet-ka oo si xoogan ugu laran nolol-maalmeedka Aadanaha.
©Radio Dalsan