Wararka aan ka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas daqiiqado kahor uu isaga baxay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo saakay gaaray halkaas laguna soo dhaweeyay.
Wariyeyaal ku sugan Degmada Balad-Xaawo ayaa soo sheegaya in Wasiir Cabdirashiid Janan uu u baxay dhanka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Sidoo kale Wasiirka amniga Jubbaland ayaa intii uu ku sugnaa halkaas waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaatay Sarakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Balad-xaawo, iyadoo aan la ogeyn waxa uu kala hadlay.
Wasiir Cabdirashiid Janan ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana halkaas uu gaaray, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay uu safar dhanka badda ah ku tegay Magaalada Kismaayo markii uu ka baxsaday gacanta dowladda Federaalka oo uu ku jiray muddo ku dhow shan bilood.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, isla markaana ay u gudbiso dawladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah oo loogu soo gacan gelinayo Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland, kaasi oo dowladda ka baxsaday 28-ka Bishii Janaayo ee 2020, iyadoona dowladda ay tilmaamtay in arrintaas xiriir kala sameysay Hay’adda Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.