Dowladda oo War kasoo saartay Xaaladda Muwaadiniinta Somaliyeed ee Shiinaha

Safaaradda jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Shiinaha ayaa warbixin ka soo saartay xaaladda caafimaad ee mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Huwan ee dalka Shiinaha, halkaas oo ah magaaladii uu ka dilaacay cudurka Coronavirus.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegtay in Safaaradda ay u kuur gashay xaalada Caafimaad ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Wuhan, kuwaasi oo gaaraya ilaa iyo 50 ruux.

Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay inay dadaal kasta lagu bixinayo sidii loo ogaan mar kasta xaalada Caafimaad ee Muwaaniniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Wuhan oo ah Magaaladii uu ka dilaacay Cudurka Coronavirus.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Safaaradda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media