Madaxweynaha oo kulan taariikhi ah Muqdisho kula yeeshey John Kerry + Sawirro

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry, oo booqasho rasmi ah oo maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Madaxweynaha oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare, Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa Mudane Kerry uga warbixiyey xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga, Hiigsiga 2016, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mr Kerry ayaa soo dhoweeyay horumarka dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya, isaga oo ku dhiirrigeliyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay sii dardar geliyaan dadaalkooda ku aaddan dhib u dhiska dalka.

Mr Kerry ayaa sheegay in Mareykanku uu billaabayo hannaan uu rasmi ahaan Muqdisho uga furanayo safaarad si rasmi ah u shaqeysa, Soomaaliyana laga taageeri doono dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha kale ee ay u baahan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry waxaa sidoo kale si wadajir ah ula kulmey madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka waxaa kale oo uu la kulmey xubno ka socda ururrada bulshada, ka hor intii aanuu ka ambabixin magaalada Muqdisho.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IMG 8795

IMG 8787

IMG 8830

IB0A2105

IB0A2168

IMG 8819

IMG 8807

IMG 8794

IB0A2240

IB0A2171

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor