Dhageyso:-Xero Barakac oo ku taala degmada Dharkenleey oo dad lagu laayay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Dharkeenleey ayaa la sheegay in ay bilaabeen burburinta Xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah taas oo ku taalo qeybo kamid ah degmadaasi dharkeenleey.

Ciidamada ayaa la sheegay in Guryo ku dhex yaalla Xeradaas ay bilaabeen in ay Burburiyaan halkaas oo ay deganaayeen dad Shacab ah islamarkaana ay burburintaas ay ka dhalatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah siada uu Radio Dalsan u sheegay Ibraahim Cabdi Aadan oo kamid ah dadka ku nool Xeradaas.

Ibraahim aya sidoo kale sheegay in ay soo weerareen Ciidamo uu hoggaaminayay taliye ku xigeenka Ciidanka Saldhiga degmada Dharkeenleey islamarkaana ay Cagaf mariyeen Guryihii Xooshadaha ka sameesnaa waxana halkaasi ku dhintay qof kamid ah dadkii xeradaas ku nool halka mid kale ay Ciidamadu si bareer ah u teegteen sida uu hadalka u dhigay.

Waxaan weeydiinay Su’aal aheyd arintaan makala xiriirteen Maamulka degmada Dharkeenleey si wax looga qabto ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Haa waan la xiriirnay Mamulka degmada Dharkeenleey dhowr mar ayaan warqad u qornay welina ma arkin cid noosoo jawaabtay sidii aan iskaga daba wareegeynay anaga ayaa iska quusanay waana yaabanahay waxana sameyno manaqaano qaarkeen aad ayay u baqeen waxayna ku dhibaateysan yihiin duleedyada magaalada Muqdisho ayuu yiri Ibraahim Cabdi Aadan.

Sikastaba xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Dharkeenleey ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino eedeynta loo jeediyay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media