War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in Gaashaanle ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya uu isku dal-dalay Xerada Sheelare eek u taalla Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Cabdi Cali Seed oo ahaa Gaashaanle Dhexe ayaa waxaa la sheegay in uu isku dhex dilay gudaha Xerada,isagoo qoorta gashtay xarig,kadiba is dilay.
Wararka intaasi ayaa waxaa ku darayaan in xiliga uu falka sameeynayay uu xirnaa darajadiisa Gaashaaleha dhexe.
Sidoo kale goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray dadweyne farabadan,kuwaasi oo deganaa agagaarka Xerada Sheelare ee degmada Xamar Jajab.
Warar kala kuwan ayaa ka soo baxaya sababta uu isku dilay Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska,hayeeshee waxaa la sheegayaa in ay jiraan daruufo keentay in uu is dilo.