Jugta qarax Xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa,waxaana la sheegayaa inuu ku qarxay agagaarka Isgoyska Digfeer.
Inta uu qaraxa dhicin ayaa waxaa baraha Bulshada la soo dhigayay in Gaari looga shakisan yahay inuu qarax sido uu yaalla Isgoyska Digfeer,waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.