DEG DEG:-Qarax Xoogan oo Goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, iyadoona uu ku Qarxay agagaarka Xarunta degmada Warta-nabada.

Qiir iyo uuro ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib,taasi oo laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media