Sawirro:-Faah faahin Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo daqiiqado kahor lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca ay Soomaalilada u taqaano NOHO oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa,isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xarunta Degmada,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka tiro kale oo la shaacin ay ku dhaawacmeen,waxaana xaalada goobta ay tahay mid weli kacsan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax uu ku dhaawacmay Xoghayaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Cali Aadan Warsame,kaasi oo loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho.

Gaadiida gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxa,isla markaana waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo isku gadaamay aaga Xarunta oo dhan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media