DEG DEG:-Qarax lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Awdheegle

Wararka aan ka heleyno Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhaca Qarax Xoogan, kaasi oo lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas.

Qaraxaas oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in gudaha Awdheegle lagula eegtay Maxamed yarrow oo ahaa Guddoomiyihii degmadaas.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa Goordhow xaqiijiyay in qarax lagu dilay Guddoomiye Maxamed Yarow.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media