Shirka Madaxda dalalka NATO oo Maanta ka furmay London

Shirkii 70aad ee Madaxda Gaashaanbuurta NATO oo ka qabsoomay Magaalada London ee dalka England ayaa looga hadlay dhowr arrimood sida Weerarkii Dowladda Turkigu ku qaaday tuulooyin ku yaala gudaha dalka Syria kaas oo dalalka Ururka ku jira ay ka caroodeen, weerarada dhanka Internet-ka ah ee China iyo hadal muran weyn ka dhex dhaliyay Ururka oo uu jeediyay Madaxweynaha France kaas oo ahaa in NATO maskax ahaan u dhimatay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shirka oo maanta soo xirmi doona ku dhaleeceeyay Dhigiisa France Hadalkii ka soo yeeray oo uu leeyahay Trumo waxaa uu nagu ahaa xadgudub.

Madaxda Shirka oo ka kooban 29 xubnood ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadda ay tahay in wada jir la ahaado isla markaana la xaliyo khilaafaadka haatan ka dhex jira Gaashaanbuurta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media