War goordhow soo gaaray Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in qarax uu ka dhacay Xaafada ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolakan Banaadir.
Qaraxan oo ahaa miino Wadada dhinacaceeda lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Guutaale oo ku yaalla Wadada aada degmada Deeyniile ee ka tagta Kulliyada Jaale Siyaad ee degmadaas.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta marayeen gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya balse aysan gaarin wax khasaaro ah.
Qaraxaย kadib ayaa waxaa Ciidamadii saarnaa gaari ay fureen rasaas badan,waxana sidoo kale goobta gaaray Ciidamo kale kuwaas oo haatan howlo baaritaano ah ka wada halkii uu qaraxa ka dhacay.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.