Maamulka degamda Mataaban ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahiyey qorsho ay ku kala qaadeen laba Maleeshiyo Beeleed oo saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay deegaano hoostaga degmadaas.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan Cabdullahi Xaashi oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in ay tageen goobtii uu dagaalka ka dhacay,isla markaana ay ku guuleysteen in ay xabad joojin kala dhex dhigaan.
Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay sidoo kale kala qaadeen labadii maleeshiyo beelood,taas oo sababtay in ay suurtagasho in la dhex dhigo xabad joojin rasmi ah sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu beeniyey warar sheegayay in maamulka magalada Matabaan ee gobolka Hiiraan uu qeyb ka yahay dagaalkaas,waxa uuna sheegay in halka lagu dagaalamayo uu yahay dhul miiyi ah,isla markaana maamulka waan waan kaliya uu u tegeen.
Shalay aroortii hore ayaa waxaa daagaal uu laba maleeshiyo beelood uu ku dhexmaray Tuulada Bacaha ee Dagmada Matabaan,waxana ku geeriyooday laba ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka degamda Matabaan.