DEG DEG:- Qarax goordhow ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Gaalkacyo ayaa ku waramaya in goordhow halkaas uu ka dhacay qarax iyada oo warar kala duwana ay kasoo baxayaan.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo meel ku dhow xarunta gobolka oo ku taalla nawaaxiga Madaxtooyada waxaana la sheegay in lala eegtay guddoomiyhii gobolka Mudug ee Puntland n kasta oo aan la helin war intaas dhaafsiisan.

Xaaladda goobta ayaa haatan kacsan waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo halkaas ka wada howlgal lagu badbaadinayo dadkii wax ku nqoday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media