Akhriso:-Guddoomiyihii degmada Baardheere oo xilkii laga qaaday & mid Cusub oo la Magacaabay

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa isbedel ku sameeyey maamulka degmada Bardheere ee gobolka Gedo,waxana xilkii laga qaaday guddoomiyihii degmadaas,iyada oo guddoomiye Cusub la Magacaabay.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa xilka looga qaadey Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow) oo ahaa gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo,waxaana xilkaas loo Magacaabay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax,oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka degmadaas.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degamda Baardheere Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow)  ayaa waxaa lagu eedeeyey Shaqao gudasho la’aan iyo amar diido.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista iyo Magacaabista oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor