Guddomiyihii gobolka Mudug ee Puntland oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Gaalkacyo

Qarax ayaa ka ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland qof ismiidaamiyay ayaana isku qarxiyay xarunta gobolka horteeda, sida ay sheegeen masuuliyiin Ka tirsan Puntland.

Qaraxaasi waxaa ku geeriyooday Gudoomiyhii Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur , sadax askari iyo qofkii ismiidaamiyay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa haatan ku sugan goobta qaraxu uu ka dhacay waxaana jira sida wararku ay sheegayaan dad shacab ah oo wax ku noqday.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media