Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasmadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow laga maqlay Jugta qarax xoogan
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markana la geliyay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.
Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlada Federaalka Soomaaliya.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saaakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxaas ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug .