Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Qaraxaas ayaa la sheegay in lagu aasay goob qashinka lagu shubo oo ku dhegan Maqaayad shaah laga cabo oo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka sare ee Ahlusunna ee Waljameeca.
Wariyeyaha warbaahinta Dalsan ee Dhuusamareeb Mowliid Macalin Xasan Maanka ayaa soo sheegaya in qaraxaas dhaawac uu kasoo gaaray saddex ruux oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona halkaas ka wada baaritaano kala duwan oo ku aadan sida uu qaraxu u dhacay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saaakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxaas ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana aad loo adkeeyay amniga Magaalada.