Wararka ka imaanaya deeganada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Maanta ay halkasi ka socota diiwangelinta cod bixiyeyaasha Doorashada maamulkasi.
Doorashada madaxtinimada Somaliland ayaa ku jadwaleysan bisha Maarso ee sanadka dambe 2017ka.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay dhamaan goobaha laga qorayo dad doonaya iney cod bixinta ka qeybgalan,dad badan ayaana maanta safaf dhaadheer ugu jira iney isdiiwangeliyan.
BREAKING: Voter registration is underway in Somaliland today ahead of the Presidential election scheduled March 2017 pic.twitter.com/keUQzlXzDm
— Farhan Jimale (@farhanjimale) April 30, 2016