Inta la xaqiijiyay 14 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmen dhismo 6 dabaq ka koobnaa oo ku soo dumay Nairobi kadib roobab xoogan oo ka da’day magaalada.
Roobabkan ayaa xiray sido kale wadooyin waaweyn oo ku yaalay xaafada Soomaalida u badan tahay ee Islii.
Hey’adda Bisha Cas ee dalka Kenya ayaa sheegeysa in la soo badbaadiyay 150 ruux lana dhigay cusbitaal sida aan ka soo xiganay Wakaalada Wararka AFP.