Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday 5 ruux oo afar kamid ah lagu helay iney ka dambeeyen qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo 28kii Febraayo ee sanadkan.
Mid kamid ah 5 qof ee dilka lagu xukumay waxa lagu helay inuu dil u geystay qof shacab ah sida uu sheegay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali yarrow.
Ku dhawaad 30 ruux ayaa ku dhimatay laba qarax oo mataano ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo 28kii Febraayo ee sanadkan.