War Goordhow naga soo gaaray Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegayaa in gelinkii dambe ee Maanta Haweeney lagu dilay deegaan duuleedka ka ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Nin ku hubeysnaa Tooreey ama Mindi ayaa la sheegay in haweeneydan uu Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Bitaale ugu tegay isla markaana halkaas uu ku tooreeyay sidaasna ay ku geeriyooday sida uu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.
Weli lama garan waxa uu ahaa Shaqsiga tooreyda Haweeneyda oo lagu Magacabi jiray Booto Faarax Cabdi  ku dilay,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in uu ahaa qof Caafimad qaba oo aan xanuunsaneyn.
Wixii ku soo kordha dilka Haweeneydaas kala socda Radiodalsan.com